Soomaali weerar ka geystay dalka Talyaaniga

Sida laga soo xigtay Wargeyska Corriere
di Bologno waxa uu Nin Soomaali ah 5 qof ku dooxay Bas Dadweyne oo marayey magaalladda Rimini ee Gobalka Emilia-Romagna ee dalkaasi Talyaaniga.

Eedeysanaha oo 26-jir ah ayaa la sheegay inuu Tikid la’aan ku raacay Baska oo ka yimid Riccione, kuna sii jeeday Rimini.

Booliska Talyaaniga waxay sheegeen inuu Muwaadinka Soomaaliga markii ugu horeysay Toorey ku dooxay 2 haween oo u xil saarnaa Hubinta Tikidhada (Checking Tickets), kadibna waxa uu sii dhaawacay 3 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Baska.

Dadka lagu dhaawacay weerarkaasi Tooreyda waxaa ka mid ahaa Wiil yar oo 5 jir ahaa.

Eedeysanaha waxaa la sheegay inuu ka degay Baskii, si uu u baxsado, balse, Boliska ayaa qabtay, kadib, markii uu ku fashilmay inuu gaari kale qafaasho, iskuna dayey inuu cagihiisa ku baxsado.

Wargeyska Corriere di Bologna ayaa sii qoray inuusan Eedeysanaha u muuqanin inuu xiriir la leeyahay waxa loogu yeeray Kooxaha Argagixisada, balse, loo malayno inuu Mukhaadarad soo isticmaalay.

Si kastaba ha ahaatee, Muwaadinka Soomaaliga ee weerarkaas geystay ayaa la sheegay inuu dhowr bilood ka hor tegay Europe, wuxuuna dalbaday Qaxootinimo, inkastoo aan weli loo soo jawaabin, lana aqbalin Codsigiisa Magangelyasa Qaxootinimo.