Spain oo shaacisay tirada Guud ee ugu geeriyootay COVID-19

Dadka u dhintay xanuunka coronavirus ayaa lagu sheegay in ay gaartay 17,489 qof, taasi oo ka dhigan dalkaasi uu qeyb ka noqonayo wadamada sida weyn uu aafeeayay cudurka.

Axaddii shalay aheyd ayaa la sheegay in tirada dadka  uu soo ritay cudurka ay gaartay  619 qof ,waxaana maalinimadii sabtigana aynu soo dhaafnay ,Wasaaraddda Caafimaadka dalkaasi ay sheegatay in tirada uu soo dadka uu ku dhacay  ay gaarayeen 510 qof,  ,balse wasaaraddu Caafimaadka wadankaasi ayaa  tilmaamtay in ay sii  yaraaneyso faafitaanka xanuunka.

Wadarta guud ee dhimashada dalkaasi ayaa lagu sheegay 17,489  taasi markeedii hore aheed 16,353 waxaana war ay soo saartay  wasaaradda Caafimaad Spain ku sheegtay in guud ahaan kiisaska ay gaareen 166,019 laga soo bilaabo markuu ka dilaacy dalkaasi.

Spain ayaa ah wadanka 3-xaad ee ugu dhimashada badan aduunka waxaana ka horeeyo oo kali ah America Iyo Italy oo ilaahada ah wadabada ugu dhimashada badan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com