Swedan oo walaac ka muujisay isbedelka kadhacay Soomaaliya.

Xili maalmo kahor barlamaanka soomaaliya codkii kalsoonida kalanaqday xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa iminka waxaa soo baxayo walaac ay qabaan wadamada deeq bixiyaasha Soomaaliya.

Dowlada Swedan oo ka mid ah wadamada somaaliya dhanka dhaqaalaha ka caawiyo ayaa iminka walaac xoogan ka mujisay xaalada soomaaliya iyo is bedelka ku imaankaro mustaqbalka hanaanka geedi docadka dowladnimo.

Wasiirka arimaha dibada Swedan  Ann Linde ayaa sheegtay in ay isha ku hayaan xaalada Soomaaliya  ee xiligaani  iyo tilaabadii lagu riday Ra’iisul wasaarihii hore ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaan ugu baaqayaa dowlada in ay fuliso qodobadii kasoobaxay shirki Dhuusamareeb ayey tiri Ann Linde .

Waxaa isi sootarayo waxa ay kamuujinayaan wadamada daneeyo arimaha soomaaliya waxaana sidookale arinkaa kadigay dowlada Mareykanka marxalada oo xiligaan ku suganyahay dalka.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com