Dhageyso : Wasiirka Gargaarka ee koofur Galbeed oo ka hadlay fataahadaha gobolka shabeelaha Hoose

Wasiirka wasaarada Gargaarka Maamulka koofur Galbeed Naasir Cabdi Caruush oo shir ku qabtay Magaalada Muqdisho  ayaa ka hadlay fatahaada Wabiga shabeele uu ka geystay Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose iyo Degmada Wanlaweyne oo Daadad ka dhashay biyaha wabiga shabeele ay gaareen Degmadaasi wanla weyn waxaana uu kulan la qaatay hay’adaha Samo falka ee ka Hawl gala Degaanada koofur galbeed si Gurmad ay ula gaaraan dadka fatahaadaha ay ku wax yeeleeyeen Degmada Afgooye iyo Degaanada kale ee gobolka shabeelaha Hoose

Qoysas badan oo ku nool degaano ka kala Tirsan gobolada shabeelaha Hoose iyo shabeelaha Dhexe ayaa Saameeyn Xooggan ku yeeshay fatahaadaha Wabiga shabeele ee mara labada gobo lee kala ah shabeelaha Hoose iyo shabeelaha Dhexe