Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo Guulo ka sheegtay Dagaal ka dhacay gobolka Baaay

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka  Soomaaliya, ayaa kaWar  bixiyay dagaal shalay Ciidanka dowladda oo ay weheliyaan kuwa  koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto . Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen degaan lagu magacaabo Mitir oo 11 Kiilo Mitir  u jira degmada Diinsoor, kadibna uu dhacay dagaal  saacado badan qaatay.

Waxaa uu sheegay Taliye Oadwaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo la gaarsiiyay Al-shabaab, iyagoona xusay in weerarka lagu dilay 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena gacanta lagu dhigay laba xubin.

Generaal  Odowaa ayaa tilmaamay in la burburiyay goob Shabaab ay isku aruursanayeen waana sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com