Taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed oo taliye cusub umagacaabay boondheere

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Cabdi Sheekh Ciise (Cabdi Kumi) u magacaabay taliyaha saldhigga Boondheere.

Cabdi Kumi ayaa bedalay Najiib Carab oo ahaa taliyihii Booliska degmadaasi oo shalay xilka laga qaaday, kadib markii askari ilaalo u ahaa uu toogtay labo qof oo rayid ahaa.

Falkaasi oo habeen hore ka dhacay isgoyska Jubba ayaa waxaa aad uga xumaaday bulshada ku dhaqan Muqdisho, waxaana sidoo kale arrintaasi ka hadlay taliyaha Booliska Soomaaliya oo sheegay in sharciga lala tiigsan doono askariga geystay dilkaasi.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com