Imisa lacag ah ayaa xisbiyada Norwey uga baxeysa doorashada Baarlamaanka ee socota.

Oslo:-Doorashada Baarlamaan ee dalka Norwey ayaa ah mid gashay isbuuceedii sedexaad waxaana xisbiyada ugu waa weyn dalkaan loolan adag ugu jiraan sidii ay u guuleysan lahaayeen.

Xisbiyada ayaa ah kuwo dhaqaale farabadan uga baxda doorashada mudada ay socoto.

Hadaba waxaa idiin soo gudbin doonnaa warbixin wargeysa warbaahinta Norwey ka qoreen inta lacag ee xisbi walba uga baxeysa doorashada socota.

Arbeiderpartiet: oo ah xisbiga ugu weyn dalkan Norwey ayaa la xaqiijiyay in doorashada ku qarash garen doono lacag ka badan  30 millioner kroner.

Høyre: ayaa qarash gareyn doona lacag ka badan 28 millioner kroner.

  • Senterpartiet: 7,2 millioner kroner.
  • Fremskrittspartiet:  20 millioner kroner.
  • Rødt: 6,5 millioner kroner.
  • Sosialistisk Venstreparti: 7,5 millioner kroner.
  • Miljøpartiet de grønne: 4,8 millioner kroner.

Xisbiyada Kristelig Folkeparti iyo Venstre ayaa la helin sax ahaan dhaqaalaha uga baxaysa doorashada.

Guud ahaan lacagta ay qarash gareyn doonaan xisbiyada mudada ay socoto doorashada ayaa lagu qiyaasay in ay ka badan doonto 100 Millioner kroner.

Xafiiska Wararka Oslo,Norwey.

Info@aragticusub.com