60-ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii Camaara ee Gobolka Mudug.

Muqdisho:-Dagaal saaka waabarigii ka dhacay deegaanka Camaara ayay u suurta gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka.

Wasiir Falagle oo dagaalka kadib warbaahinta la hadlay ayaa guul weyn ka sheegtay in dowlada dagaalkaasi ka gaartay.

Waxaanuu tilmaamay in 60-ka tirsan dagaalyahanada Alshabaab lagu dilay dagaalkaasi.

“Laba gaari oo ay qarax ka soo buuxiyeen ayey saakay ku soo weerareen xerada, markii hore waa lagu sirmay oo gadiidka waxaa saarnaa Ari-dibaax (Ari jar ah) iyo haween ay xoog ku soo wateen, kadibna waxaa loo maleeyey gawaari caadi ah oo magaalada u socda, balse waa is qarxiyeen, kadibna waxaa soo bilaawday weerar toos ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Ururka Argagixisada ah ee Alshabaab ayay iyana dhankooda sheegtay in hub iyo gaadiid dagaal ka qabsadeen dowlada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com