Maxkamad Xukun ku riday Nin Kufsi lagu Eedeeyay

Muddo 5 Sano ayaa ooXabsi ah ayaa lagu xukumay Eedaysane loo haystay kufsi iyo afduub ee uu ka deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ka dib markii maxkamada la horgeeyay Eedeysanaha .

Xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda gobalka Galgaduud Cabdixakiin Maxamed Xirsi  ayaa cadaymo hor keenay xeer ilaalinta inuu falka gaystay eedaysanuhu, waxa uuna xeer ilaalinta ka dalbaday in ceqaabtiisa la marsiiyo fal danbiyeedkaasna ku cadyahay.

Sidoo kale Garsooraha Maxkamada Gobolka Axmed Salaad Kullane, ayaa ku riday 5 sano oo xabsi ah iyo bixinta laba halaad oo uu ku sheegay dhaawacyada gabadha soo gaaray.

Deegaanada Soomaalidu degto ayaa badanaa waxaa ka dhaca falal dabiyeedkan kufsiga ah, waxayna qabaan aqoonyahano badan  in xukun rasmi ah laga dajiyo arrintan si aysan dadka shakhsiyaad dame ugu dhiiran geysashadeeda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com