Taliyaha qaybta 60aad ee Militariga Soomaaliya oo dib ugu laabtay Magaalada Baydhaba

Taliyaha qeybta 60-aad ee Militariga Soomaaliya Gen Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa ku laabtay magaaladda Baydhabo ka dib safaro shaqo ugu maqnaa magaalooyinka Muqdisho Iyo Baraawe, Waxaana kulamo uu la qaatay intii magaalda Baraawe uu ku sugnaa Saraakiisha guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee fadhigoodu yahay Baraawe, Waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadda shaqeynta loona dar-dar gelinlahaa Howlgallada ka dhanka Al-Shabaab.
Taliyaha Qeybta 60-aad Gen Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa Saraakiisha iyo ciidanka Farey inay sii xoojiyaan Howlgallada lagu Sifeynayo
Al-Shabaab loona bahan yahay in Ciidamada Feejignaan dheeri ah ay muujiyaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com