Maxay ka waa hadleen Danjiraha Imaaradka u fadhiya Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaare Rooble?

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Alcuthman.
Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaruhu kulan la qaatay safiirka Imaaraadka Carabta, islamarkaana labada mas’uul wada-hadal yeesheen.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dImaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabeele uu ka geystay Magaalada Jowhar ee Xaruunta Dawlad goboleedka Hirshabeelle
“Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com