Khasaare ka dhashay baabuur ku gubtay Koofurta Gobolka Mudug

Inta la Ogyahay laba ruux ayaa ku geeriyooday, shan kalena waa ku dhaawacmay, kadib markii gaari yar Tayota ah  uu  dab ku qabsaday degaanka lagu magacaabo saddexda-higlo, oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Gaariga dabku qabsaday oo noociisu ahaa Landcruiser, waxa uu ka yimid dhanka Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo, waxaase uu dabku qabsaday xilli uu marayay degaanka Saddexda-higlo.

Faahfaahin sugan weli lagama helin, waxa dabkan sababay iyo haddii khasaaruhu intaas ka badanyahay, balse waxa haatan socda gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay dabkaas.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com