Taliye Cusub oo loo magacaabay Booliska Degmada Dhuusamareeb

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciiddanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneral Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Cusub ee Saldhigga Booliska magaalada  Dhuusamareeb Xaruunta galmudug

Taliyaha cusub ee la magacaabay ayaa waxaa lagu magacaabaa Kabtan Nuur Cilmi Maxamed, kaasi oo horey u soo noqday Taliyaha Saldhigga Booliska Degmadda Caabuud Waaq ee Gobalka Galgaduud.

Magacaabistan ayaa timid, xilli uu Taliyihii hore ee Saldhigga Bololiska Dhuusamareeb, Kabtan Burhaan Axmed Rooble iska casilay Xilkaasi bishii May 9-dii ee sanadkan 2020ka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com