Gudoomiyihii xaafada Xaawa Taako ee Magaalada Baladweyne oo la Toogtay

MagaaladaBeledweyne Waxa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii xaafadda Xaawa taako ee magaaladaas oo lagu Magacaabayay Jeelle Gaarane Cabdulle.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa ku toogtay Mas’uulkaasi  xaafadda xaawa-taako, gaar ahaan laanta Nuur xawaad.

Marxuumka la toogtay ayaa xilliga la dilayay waxa uu kasoo baxay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta.

Marxuum Jeelle Gaarane ayaa waxa uu kamid ahaa dhalinyarada magaalada Beledweyne, mana jiro ilaa haatan cid loo soo qabtay dilka Marxuumkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com