Xukuumada Federaalka oo magacaawday gudi baaraya dhacdadii xabsiga Dhexe

Sii haayaha ahna kusimaha xilka Ra’iisal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar” ayaa magacaabay Guddiga Baarista Dhacdadii shalay ka Dhacday Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Guddiga la magacaabay ayaa Magacyadooda waxa ay kala yihiin:

1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye.

2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin.

3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin.

4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin.

5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada​ Xubin.

6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)​Xubin.

Gudigan ayaa sababta loo magacaabay ay tahay barista Weerarkii shalay ka dhacay xabsiga Dhexe oo su’aalo badan Dadka shacabka ah iyo siyaasiyiintaba ay iska weydinayaan cida soo Abaabushay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com