Dhageyso: Hogaamiyaha Xisbiga wadajir oo ku eedeeyay weerarkii Xabsiga Dhexe Hay”adda NISA

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Cabdi Raxmaan Cabdi shakuur  Warsame ayaa Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalladda Muqdisho kaga  hadlay weerarkii xabsiga Dhexe iyo Marxalada siyasadeed ee  Soomaaliya

Waa uu si kulul uga hadlay weerarkii xabsiga dhexekuna Eedeeyay  Hay’adda NISA inay ka dambeysay Dagaalkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, ee u dhexeeyey Maxaabiista Alshabaab iyo Ilaaladda Xabsiga, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa waxa uu Shirka Jaraa’id ka sheegay inay Dawlada Federaalka Soomaaliya  ku fashilantay Sugida Ammaanka iyo inay Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya  ay diidan  yihiin inay Shacabka horyimaadaan oo ay u sharxaan Xaalladda Guud ee dalka, gaar ahaan Arrimaha Taagan iyo Amniga.

Waxa kale oo uu Tilmaam ka bixiyey Shaqada Madaxweynaha Khaaska u ah iyo Hawlaha kale, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuusan Madaxweynaha shaqo ku lahayn Hawl-maalmeedka Fulinta iyo Doorashooyinka, oo ay u taallo Laanta Fulinta ee Xukuumadda.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir waxa uu Baaq u diray RW cusub ee la soo magacaabi doono, wuxuuna ugu baaqay inuu la xisaabtamo Hay’adda NISA, waa sida uu hadalka u dhigay.