Su’aalo la xiriira sharciga socdaalka oo la weydiiyay Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha

Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka oo kulan la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Kulanka oo ka dhacay xarrunta Villa Hargeysa ayaa ajandihiisu ahaa ka tashiga Sharciga Socdaalka ee horyaal golaha shacabka.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa guddiga sharaaxaad ka siiyay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Socdaalka.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale waxa ay agaasimaha weydiiyeen su’aalo la xarriiro sharciga Socdaalka dalka.

Ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha Gudaha iyo amniga Xildhibaan Maxamed Cabdulle faarax (Geesey) ayaa uga mahadceliyay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Col.Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) sharaxaada uu guddiga ka siiyay sharciga Socdaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com