Turkiga iyo Jabuuti oo Heshiis kala saxiixday

Dowladaha Turkiga iyo Bajuuti ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira maamulka Dekdaha Dalka Jabuuti oo ay la wareegeyso Sharikadda Al Bayrak oo laga leeyahay Dalka Turkiga xiriir dhowna la leh qoyska Madaxweynaha Turkiga iyo Xisbigiisaba.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa Dowladda Jabuuti u saxiixay heshiiska halka dhinaca Turkiga uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha Mehmet Cahit Turhan.

Heshiiskan oo ka kooban qodobo badan ayaa dhigaya in Dowladda Turkiga oo ay wakiil ka tahay Al Bayrak maamusho mid ka mid ah dekadaha Istiraatiijiga ah, sidoo kalena maamusho Maraakiibta Ganacsi ee ka diiwaangashan dalka Jabuuti kuwaas oo maraya Xeebaha dalka Jabuuti.

Waxaa kale oo dowladda Turkiga ay Jabuuti ka caawineysaa tababarka Ciidanka Badda, Ilaalada Xeebaha, la dagaallanka Burcad Badeedda iyo dhacdooyinka kale ee ka dhaca badaha oo dhan.

DHinacyada ayaa sidoo kale isku raacay in ay heshiis ka gaaraan maamulka Hawada, Badda, Tareennada iyo waxyaabaha la midka ah ee kaabaya xiriirka ganacsi ee labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo heshiiska ku saxiiay Ankara ayaa sidoo kale la kulmay dhiggiisa Turkiga.

Turkiga oo awooddiisa jilicsan ku baahinaya Afrika ayaa heshiis la galay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan iyo Jabuuti oo ay hadda kala saxiixdeen heshiiska maalgashiga Al Bayrak ee dekadaha dalka Jabuuti.

Al Bayrak waxaa ay sanadkii 2014kii la wareegtay maamulka Dekadda Muqdisho sidoo kale dowladda Guinea, ayaa 2018kii ku dhawaaqday in sharikadda Al Bayrak ay ku wareejineyso Dekadda Magaalada Conakry.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com