Turkiga oo cambaareeyay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay oo Talaado aheyd lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 Ruux.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowaldda Turkiga ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, qaraxaas, iyada oo looga taciyadeeyay ehellada Dhainyaradii ku dhimataya qaraxa.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh  u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeeyay in  Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka  ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan go’aanka ay  ku garab istaagayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

Qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay Gelinkii hore ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal dhegabadan ayaa waxaa dadka ku dhntay dhamaantood ay ahaayeen Dhalinyaro loo qorayay inay kamid noqdaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com