Turkiga oo Cambaareeyay WeerarkiiAlshabaab ay ku qaadeen Hotel Afrik

Dawlada Turkiga ayaa Cambaareysay Werarkii Alshabaab ay ku qaadeen Hotel Afrik ee Magaalada Muqdisho

War  qoraal ah oo ka soo baxay Dawlada Turkiga ayaa lagu cambaareeyay Weerarkaasi  Waxaana Dawlada Turkiga ay sheegtay in ay garab taagan  tahay  Dawlada Soomaaliya iyo shacablkeeda

Qoraalka ayaa u Qornaa sidan”

Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ayaa lagu yiri qoraalka Dawlada  dalka Turkiga .

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto Taageerada ay siineyso Ciidamada Qaranka Somaaliyeed iyo Dawladoodaba ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Dawlada Turkiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com