Generaal Galaal iyo Cabdi Waal oo ka mid noqday Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Hotel Afrik

Allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Dadkii ku nafwaayay weerarka Argagixida ay ku qaadeen Hotel Afrik ayaa ku waxaa isna ku jiray Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal oo la xaqiijiyay in weerarka uu ku dhintay

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad shacab ah iyo askar, inkasta oo aan weli la heyn tirada rasmiga ah.

Hoteelka Afrik, oo ku yaalla Inta U dhexeysa Isgoyska lambar Afar iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dadkii ku dhaawacmayWeerarkasi ayaa la dhigay Xaruumaha Caafimaad eek u yaala Muqdisho.

Wararkaasi ayaa Mas,uuliyadiisa waxaa sheegatay Alshabaab

Xafiiska Wararka Muqdisho .

Info@aragticusub.com