UDI.da oo isbadal ku sameyn doonta qaabka lagu codsado dhalashada Norwey.

Hey,adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Wadanka Norwey ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UDI-da ayaa shaacisay in dhawaan isbadal ku sameyn doonto qaabka loo soo codsado dhalashada  Norwey.

Hay,ada ayaa warkaan ku daabacday webkeeda rasmiga ah taasi oo ku cadeysay in bilowga bisha Februar isbadalka dhaqan gali doono.

UDI ayaa warbixinta ku xustay in qaabka cusub noqon doono ka ka fudud sidi hore isla markaana ay taas ka caawin doondo wax walba oo codsanaya dhalashada Norwey.

Waxaa ay ku boorisay dadka doonaya in dhalashada xareystaan sugaan ilaa iyo 3.februar markaas oo ay soo galin doonaan warqada lagu codsanayo dhalashada kaasi oo wax badan kaga sahlan kuwii hore.

Sidoo kale hay,ada ayaa xustay in waqtiga jawaabaha la sugayo noqon doonaan mar ka yar inta ay hada qaadato.

inta badan dadka Soomaalida ee codsada dhalashada dalka Norwey ayaa qaadata mudo u dhaxeysa 10-ilaa 15 bilood.

Xigasho:https://www.udi.no/viktige-meldinger/du-bor-vente-med-a-soke-om-statsborgerskap-til-3.-februar/?fbclid=IwAR3YI-NZ9hm8Aqz3tueBXkQbIptsDmpfIl7pvBzWwa_0qkCJ0AQppejbewM

Xafiiska Wararka Oslo.

Info@aragticusub.com