UDI oo xaqiijisay in Norwey soo qaadatay 860 reer Afganistan ah.

Oslo:-War ka soo baxay Hay,adda socdaalka Norwey ayay ku xaqiijiyeen in dowlada Norwey soo qaadatay 860 reer afganistan ah.

Dadka Norwey soo qaadatay ayaa isugu jira 63 shaqaalaha maxalliga ah ee safaaradda iyo qoysaskooda.
513 qor oo xiriir la leh Ciidamada Qalabka Sida iyo qoysaskooda.
28 carruur ah oo aan waalid lahayn.
72 ruux oo ah kuwa xuquuqda aadanaha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah.

Arintaan ayaa imaanaysa xili ciimadii ku sugnaa dalka afganistan mudo labaatan sano ah isaga baxeen isla markaana wadanka dib u qabsadeen Ururka Taliban

Ururka Taliban ayaa hada ah kuwo si buuxda ula wareegay talada dalka afganistan iyaga oo sheegay in dhawaan dowlad dhisi doonaan.

Sarkaal u hadlay ururka Taliban ayaa warbaahinta ka hor xaqiijiyay in xilalka sar sare ee dowlada laga qeyb galin doonin dumarka reer afganistan.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com