Waa Kuma Ra,iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Halkaanka Akhriso Taariikhdiisa oo Kooban

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, taariikhdu markii ay ahayd Bishii 10-aad ee sanadkii 1963-kii.

Waxaa uu ku Takhasusay Dhismaha  Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Deegaanka, isaga oo Waxbarashada Masterka ee takhasuskan ka qaatay Machadka Royal ee Teknoloojiyadda ee dalka Sweden, sanadkii 2000.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sanadkii 1990-kii ka tirsanaa ardayda barata Culuumta Injineernimada Madaniga ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, balse burburkii dhacay ee dalka uu ka hor istaagay in uu dhammeystirto Kulliyadda Enjineernimada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu dhiganayey.

Maxamed Xuseen Rooble, markii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye wuxuu kamid ahaa  Dadkii Soomaaliyeed  ee dalka uga Qaxay  dibadaha, markaas oo ay u suuragashay inuu galo dalka Sweden, oo dhalasho labaad uu ka helay.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka shaqeynayey 14-kii sano ee la soo dhaafay horumarinta dalka, gaar ahaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta maalgashiga, ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Wuxuuna kasoo howlgalay dalalka Soomaaliya, Kenya, Tanzaaniya iyo Sweden, isagoo dhowr iyo toban sanadood la soo shaqeeyay hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Adduunka.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka waxa uu la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay Ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, oo baarlamaanka kalsoonidii kala laabtay.

Ra,iisal wasaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu haystaa Muddo kooban,  oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, waxaana haddii la meel mariyo looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad dalka ka hirgelisa  doorashada ay ku heshiiyeen madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dib heshiiskii lagu gaaray Shirkii lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com