Muwaadhin Soomaali ah oo laga soo Musaafuriyay Wadanka Maraykanka

Dowladda Mareykanka ayaa soo musaafurisay muwaadin Soomaali ah oo horay loogu xukumay  eedeymo ku saabsan inuu taageero flShabaab.

Mahdi Maxamed Xaashi oo 31 jir ah ayaa laga soo musaafuriyay magaalada Chicago, iyadoo looga soo qaaday diyaarad ay leedahay ICE Air Charter ee Laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka.

War  ka soo baxay Waaxda Socdaalka ayaa lagu sheegay in amarka musaafurinta laga soo saaray Xafiiska Fulinta magaalada Chicago.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee laga soo musaafuriyay ayaa loo soo gacan geliyay dowladda Soomaaliya.

“Saraakiisha laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ee loo soo gaabiyo (ICE) ayaa nin Soomaali ah kaxeeyey khamiistii kaas oo lagu xukumay sanadkii 2016-kii maxkamada degmada ee Mareykanka in uu gargaar u fidiyay urur argagixiso” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Waaxda Socdaalka

Laga soo bilaabo April 2008 ilaa Agosto 2012, Xaashi wuxuu ka mid ahaa Al-Shabaab. Sanadkii 2012, waxaa loo soo gacan geliyay Mareykanka si uu ula kulmo dacwad oogista federaalka ee Bariga Degmada New York.

Xaashi wuxuu qirtay dambiga ah inuu taageero maadi ah siiyay Alshabab, 29-kii Janaayo 2016, waxaa lagu xukumay sagaal sano oo xarig ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com