Wado Cusub oo laga Hirgeliyay Degmada Warta Nabada

Ku-simaha guddoomiyaha gobalka banaadir ahna guddoomiye ku xiggeenka maamulka iyo maaliyada Axmed Xasan iimaan ayaa xariga ka jaray wado 700 mitir ah  oo dhawaan maamulka gobalka banaadir  saaray interlock wadadaan ayaa laga hirgaliyay degmada warta nabadda ee gobolka banaadir.

 

Munaasabada xarig jarka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Marwa Basmo Camir Jakeeti, guddoomiyaha degmada warta nabadda Seynab Maxamed Warsame (Xaabseey) iyo guddoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Barqab.

 

Dhismaha wadadaan ayaa ka dambeysay kadib cabasho ka timid dadka shacab ee xaafada iyadoo uu ka muuqdar bur bur xooggan hase ahaare waxaa kaloo qeyb-ka ah leerarka cadceeda ku shaqeeya ee soolarka oo laga horgaliyay hareeraha wadada si bilicda wadada kor loogu qaado.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com