Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay Qaraxii Hoteel Afriik oo la shaaciyay

Muqdisho Aragticusub:-  Weerarkii lagu qaaday Hotelka Afrik ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen AUN Cabdulaahi Nuure Siyaad iyo Biiriye Xaashi oo ka mid ahaa dadkii weerarka la kulmay.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo badan oo waxyeelo kasoo gaartay Qaraxa lagu qaday hotelka Afrik ee ku yaalo isgooska km-4 ee magaalada muqdisho.

Wali Kooxda hubeysan ayaa ka dagaallamaya Gudaha Hoteelka, waxaana la dagaallamaya Ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tababaran.

Xaalada magaalada muqdisho ayaa sii xumaayeeso maaliba maalinta ka danbeesyo waxeeyna taas walaac iyo cabsi ay ku abuurtay dadka shacabka oo maalinwalba lakulmo dhibaatooyin ay ka mid yihiin wadooyinki oo laga xiray Caburin iyo cabsi joogta ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com