Inkabadan 10-qof oo uu kujiro General Galaal ayaa ku dhimatay qarixii hotelka Afik ee Muqdisho

In kadatan 10- qof oo uu ku jiro General Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsanaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la xaqiiiyay in ay ku dhinteen weerarka Hotel Afrik.

Rag hubeeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta weeraray hoteka Afrik, oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aadda Garoonka Aadan Cadde.

General Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid ahaa dadkii ku go’doomay hotelkaasi, ka dib markii uu weerarku bilowday.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa xaqiijiyay geerida General Galaal.

Jananka ayaa waxaa sida lasheegay toogasho ku dilay ragii weerarka sooqaaday ee katirsanaa ururka al-shabaab ee gudaha u galay hotelka, kuwaa oo toogasho ka bilaabay hotelkaasi, wax yar uun ka dib markii ay afafka hore ee hotelka qarax labe

Maxamed Cabdi Yaxye oo ka mid ah dadkii laga soo samata-bixiyay hotelka ayaa sheegay in jananka loogu galay qolkii uu hotelka ka deganaa, lana dilay jananka iyo tiro kale oo dad ah kuwaasi oo ilaahada sidhab ah loo ogeen tirada rasmiga ah

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa haatan dadaal ugu jira, sidii ay u soo afjari lahaayen weerarkaasi oo masuuliyadiisu ay sheegatay Al Shabaab.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ​​ugu horeeyay ee Caasimadda Muqdisho ka dhaca wax ka yar 6-lix bilood, Weerarkan kii ka horeeyay waa midkii ay Shabaabku ku bartilmaameedsadeen Hotel Elite, 16-kii bishii August.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com