Farmaajo oo ka hadlay geerida General Galaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixiso ee galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyadeeyay geerida, Alle ha u naxariistee, General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaagga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo warkan ku soo sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan karaan cadawgan, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com