Wariye Saciid Yuusuf oo loogu dilay Muqdisho

Wariye Saciid Yuusuf Cali ayaa xalay Magaalada Muqdisho loogu gaystay dil aan horey noociisa loogu gaysan nin Wariye ah, iyadoo dhanka kalana la qabtay gacan ku dhiiglihii dilay.

Wariye Saciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa Kalsantv ayaa lagu dilay xaafadda Say Biyaano ee Degmada Hodan, ka dib markii uu soo weeraray nin toorey ku hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in dilkiisa uu ka dhacay afaafka hore goob ganacsi, oo kaabiga ku haysa hoygii uu ka deganaa xaafadda Say Biyaano. Dembiilaha ayaa la sheegay in dhawr uu tooreyda la dhacay ninka Wariyaha ah.

Marxuum Saciid Yuusuf oo soddon jir ahaa ayaa ifka uga tagay laba carruur iyo hooyadood. Waxaana tallaabada lagu dilay cambaareeyay Ururada Saxaafadda.

Ururada Saxaafadda oo soo xiganaya Saraakiisha Booliska ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in dembiilaha lagu hayo Xarunta Hay’adda Dembi Baarista CID ee Magaalada Muqdisho. Ma cadda waxa uu salka ku hayo dilka Wariyaha, sidoo kalana lama garanayo cidda uu ka tirsan yahay dhagarqabaha.

Waa Wariyihii labaad oo sanadkan lagu dilo gudaha dalka. 16-kii bishii February ayay ahayd markii Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose lagu dilay Wariye Cabdiweli Cali Xasan (Cabdiweli Online), oo ka tirsanaa Telefishinka Universal iyo Radio Kulmiye.

Dilka Wariyahan ugu dambeeyay waxaa uu imanaya, iyadoo maalintii shalay Magaalada Muqdisho lagu jirdilay Wariye-yaal, oo middi ay gabar tahay.

Waxaana xusid mudan in dilkan uu ku soo aadayo, iyadoo Magaalada Muqdisho ay ku xiran yihiin Wariye-yaal kale.

Dowladda Somaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay inay caburin xoog lihi ku hayso Wariye-yaasha iyo Warbaahinta xortaba, taasoo liddi ku ah dimuqraadiyadda ay Somaliya hiigsaneyso.

Somaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad/cago jugleen, xarig iyo dilba.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com