Wasaaradda Caafimaadka oo si adag uga jawaabtay hadalkii Maareeye ee dhimashada COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid hadal dhawaan kasoo yeeray wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye, kaas oo ahaa in dowladda Soomaaliya qof kasta oo geeriyooda ay u aqoon santahay mid u dhintay Coronavirus.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullaahi oo hadalkaas ka jawaabayey ayaa sheegay in xaqiiqadu warbixinadii kasoo baxay wasaaradda caafimaadka oo ahaa kuwo cilmi ku dhisan, kuna yimid baaritaan ay sameysay wasaaraddu, wixii intaas kasoo hara aysan xaqiiqo aheyn.

“Anagu warbixinadii aan baahinay waxay ahaayeen kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan”ayuu yiri wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamed Saciid Cabdullaahi.

Wasiirka Warfaafinta Maareeye ayaa maalin ka hor Muqdisho ka sheegay in dadka dhimanaya ay aaminsanyihiin inay u dhimanayaan xanuunka COVID-19, isla markaana qof kasta oo sheeganaya qandho iyo wixii lamid ah uu qabo cudurkaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay Maareeye in dowladda Soomaaliya ‘qofkii ku geeriyooda Muqdisho inta uu jiro xanuunkan ay u aqoonsaneyso qof u dhintay cudrka Coronavirus’.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com