Kenya oo war ka soo saartay Diyaarad shalay ku dhacday Dhoobleey

Ciiddamada Militariga Kenya ayaa waxay soo saareen War-saxaafadeed ku aadan Diyaaradii Xamuulka ee shalay ku burburtay Garoonka diyaaradaha  Degmadda Dhoobleey ee Gobalka Jubada Hoose

War-saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay  in dhammaan 10-kii Askari ee la socday Diyaaradaasi ay xaaladooda Wanaagsan tahay, lana dhigay Isbitaalka Milliteriga Kenya  ee Nairobi.

Diyaaradda ku burburtay Garoonka diyaaradaha  Dhoobley ayaa  nooceedu ahaa Harbin ee Labada Matoor leh, laguna farsameeyey dalka Shiinaha waxay Shixnadaha Sahayda u soo daabushaa Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku sugan Soomaaliya

Dawlada Kenya ayaa shaacisay in baritaano lagu sameyn doono waxa sababay in diyaaradu ay bur burto

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com