Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta oo Fariin ku aadan Corona u dirtay Shacabka

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa bayaan wacyagalin ah ka soo saartay cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horeeyey laga helay magaaladda Muqdisho.

Halkaan hoose ka Akhriso Bayaanka

Farriinta Wasaaradda Awqaafta & Arr Diinta walaalayaan Sida aad la wada socotaan waxaa dunida ku baahay Cudur faafa oo loo yaqaano Corono virus (COVID19); dhaqaatiirta & khubarada Caafimaadka waxaa ay soo jeedinayaan in la adkeeyo nadaafadda Qofka & Deegaanka.

Hadaba, wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta waxaa usoo jeedinaysaa Umadda Soomaaliyeed si looga badbaado halista Cudurka talooyinka soo socda:-

  1. In Allaha loo noqdo oo xaggiisa loo cararo ducada & Quraan Aqriskana la badiyo.
  2. In laga feejignaado qaab kasta oo loo qaadi karo cudurkan halista ah.
  3. In la Ilaaliyo Nadaafadda jirka & Deegaanka.
  4. In la raaco tilmaamaha & Talooyinka caafimaad ee wasaaradda caafimaadka & khubarada caafimaadka.
  5. In Imaamyada Masaajidda Qunuudaan salaadaha oo idil si uu Alle nooga badbaadiyo cudurkaan.
  6. In laga fogaado oo aan la galin hadday dhacdo in goob laga sheego.

Allaha haka badbaadiyo Umadda Soomaaliyeed & Dhammaan Umadda Muslimiinta ah halista cudurkaan.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com