Wasiir ka tirsan DF oo Jay Bahdur iyo ururo ku eedeeyey ‘shirqool la rabo in lagu dilo’

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ku eedeeyey Jay Bahdur iyo urur aan dowli aheyn oo fadhigiisu yahay Switzerland iney jabsadeen Emeil-kiisa islamarkaana qorsheynayaan iney dilaan.

Hay’addan ayaa wada baaritaano ku saabsan kaluumeysiga sharci darada ah ee laga sameeyo xeeebaha Baddweynta Hindiya dalka Soomaaliya, sida lagu daabacey jariidada Nation ee ka soo baxda dalka Kenya.

Xayir ayaa waydiistey Maxkamad ku taal dalka Kenya iney soo saarto amar ay kaga joojineyso Jay Bahdur iyo hay’adda la dagaalanka dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah “Global Initiative against Transnational Organised Crime (Giato)” iney baaraan kaluumeysi sharci daro ah ee ka dhacey xeebaha Soomaaliya kuwaas oo lagu soo eedeeyey in wasiirku qayb ka yahay.

Wasiiru dowlaha ayaa dhexda kaga jirey baaritaano Jay Bahdur ku sameeyey shirkad la yiraahdo “North East Fishing (Nefco)” taasoo kamid ah kuwa ugu badan oo Kaluunka dalka Soomaaliya u dhoofiya dalka Shiinaha.

NEFCO oo la shaqeysata shirkado Kaluumeysi oo dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa Bahdur baaritaankiisa ku xusay in inta badan Kaluunka si sharci daro ah ku qabsadaan iyagoo taageero ka helaya saraakiil sare ee ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Bahdur iyo hay’adda Giato ayaa baaritaano ku wada koox saraakiil Soomaali ah kuwaas ay ku tuhunsan yihiin iney gacan-siinayeen shirkad NEFCO oo muddo soddon sano ah ku jirtey ka ganacsiga Kaluunka.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada ayaa, sida Jariidada Nation daabacdey, dacwadiisa ku gudbiyey in Jay Bahdur iyo Giato ay jabsadeen emeil-kiisa islamarkaana kala baxeen xoggo muhiim ah kuwaas oo ay u isticmaaleen warbixintooda, waxaana uu doonayaan in Maxkamada sare ee Kenya soo faragliso. Xayir ma uusan xusin sababta Soomaaliya dacwadaan uga xereyn waayey.

Maxamuud Xayir ayaan beenin eedeymaha la xiriira inuu ku lug lahaa Kaluumeysiga sharci darada ah, balse ku dacwoonaya in kaalinta uu ku lahaa arimaha la xiriira soo saarista ruqsooyinkaan in lagu heley si sharci daro ah maadaama emeil-kiisa la jabsadey.

Inta badan saraakiisha lagu xusey warbixinta “Giata” iyo xiriirka ay leeyahiin shirkada la yiraahdo “China Overseas Fisheries Association” kama aysan jawaabin eedeymahaas. Isku dayo la doonayay in xiriir toos ah lagula sameeyo ayaanan gabi ahaanba guuleysan.