Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle oo u geeriyooday Coronovirus.

Muqdisho, Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabelle  ayaa goordhaw u geeriyooday Xanuunka Coronovirus.

Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul goboleedka HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow ayaa la xaqiijiyay in uu goordhaw ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Muqdisho.

Tooxow oo mudooyinki ugu dambeeyay la xanuunsanayay xanuunkaan ayaa geeridiisa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah eheladiisa.

Xanuunka coronovirus ayaa ah mid dunida si xoogan ugu sii baahaya ayaa iminka dhibaata xoogan ku haya bulshadeena Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com