Wasiirka Amniga oo diray Fariin dhinaca Amniga ah

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta musharaxiinta madaxweynaha, kuwa raadinaya xildhibaanimada iyo cid kasta oo ku lug leh doorashada isagoo sheegay in amniga ay iska leeyihiin shacabka, cid kastana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan amaanka.

“Waxaan baaq u dirayaa mas’uul kasta oo wadanka jooga oo mas’uuliyad raadinaaya, hadey ahaan laheyd xildhibaanimo, ama madaxtinimo, amniga waa naga weyn yahay, waa naga horeeyay, waa naga danbeyn doonaa, bulshada Soomaaliyeed ayaa iska leh, qof gaar ah ma leh, inaan wada ilaalino, iyagana waa og yihiin, anagana waan ognahay, waa ku baraarujinayaa, waana ka codsanayaa, amniga ayaa naga wada weyn, baaqaasi ayaa dirayaa, mucaarad iyo muxaafid waa u siman yihiin amniga,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey.

Wuxuu intaa raaciyay wasiirka Xundubeey in ka wasaarad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga ayna ka hortegayaan cid kasta oo amniga wax u dhimeysa, wax walba oo dhibaato keenayana ay gacanta ku qabanayaan si amniga loo ilaaliyo, ciddii diidana sharciga lagu qaadi doono.

Wuxuu sheegay in inta ay tareenka dowladnimada saaran yihiin inay qabanayaan wax wanaagsan oo amniga iyo nidaamka dowladnimada wanaajinaayo.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com