Madaxweyne Deni oo diiday Dalab uga Yimid Musharixiinta shirka uu uga socdo muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa diiday codsi uga yimid musharrixiin ku shirsan Muqdisho, oo ka dalbaday in uu beddelo laba xubnood oo ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho, waxay madaxweyne Deni ka dalbadeen, in uu beddelo labada xubnood oo kala ah; Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Cali Cabdulle Tima-cadde iyo Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn) oo kamid ah Guddiga sare ee La-Talinta Madaxweynaha.
Musharrixiintu waxa ay Madaxweyne Deni u sheegeen , in haddii uu beddelo labadaas xubnood ee ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taasi ay cadaadis ku saari doonto Madaxweyne Farmaajo, in uu beddelo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku daray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

laakiin , Madaxweyne Deni ayaa gebi ahaanba diiday codsiga uga yimid Musharrixiinta Doorashada 2020/2021, kaas oo ku saabsan in uu beddelo labada xubnood oo kala ah Cabdiweli Tima-cadde iyo Yaasmiin Nayn.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com