Wasiirkii hore Amniga ee Maamulka Puntland oo geeriyooday

Xubno ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay , ayaa Geerida Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan

Marxuum Khaliif Ciise Mudan, oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa maanta oo Talaado ah geeriyooday,

Alle ha u naxariistee, Gen. Khaliif Ciise Mudan wuxu kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Kacaanka.
Sidoo kale, wuxu kamid ahaa As’aasayaashii dowladda Puntland sannadkii 1998-dii, isagoo soo noqday Wasiirka Amniga iyo DDR-ta, islamarkaana wuxu sannadkii 2019 isu sharraxay Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com