Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Amaanka kala hadlay Doorashada 2020/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa balan qaaday doorashada soo socota si xor oo xalaal ah ay ku dhici doonto

Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaaliya sanada 2020/2021 ayaa ka soo horjeestay sida ay ku socoto hanaanka doorashada iyo guddiyada la magacaabay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeeda.
waxa uun sidoo kale sheegay in ay ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri “Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%.”

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com