Wasiirka Anmniga Puntland oo ka hadlay qaraxa lala eegtay kolonyada uu la socday

Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Puntland ayaa sheegaya in goor dhoweyd qarax lala beegsaday gawaari ciidan ay saarnaayeen, kuwaas oo uu la socday wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed gallan.

Ciidamada ayaa waxaa la socday wasiirka iyo taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland waxaana qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay lala beegsaday xili ay kormeer ka wadeen deegaanka Balli-dhidin ee degmada Qandala.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayay wararku sheegayaan inuu dhintay, labo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu wasiir Gallan u sheegay BBC-da.

Wasiirka oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay howlgal lagula dagaallamayo kooxda Daacish ka wadeen buuralleyda, isla markaana ay u maleynayaan in miinada ay dhulka geliyeen kooxdaas.