Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhoweeyay .

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardargelinta Doorashada, kaas oo ay yeelanayaan Golaha wadatashiga doorashooyinka dalka oo uu kamid yahay.

Horay waxaa Magaalada Muqdisho u soo gaaray, Madaxweynayaasha, Jubbaland, koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale saacadaha soo socda la sugayaa Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Shirka ay yeelanayaan masuuliyiinta madasha wadatashiga qaran ee arrimaha Doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka iyo howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com