Askar ku dhimatay rasaas loo ridayay dabaaldegga 26-ka June

Inta la xaqiijiyay laba Askari ayaa ku geeriyootay rasaas loo ridayay munaasabad loogu dabaaldagayay 61-guuradii kasoo wareegtay markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen Gumeystihii Ingiriiska taas oo ka dhacday Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hor-Shabeelle.
Munaasabadda ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Mamaulka hir-Shabeelle oo uu kamid yahay guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana askarta geeriyootay ay ka kala tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Haramcad.

Wararka goor hore ee xalay soo baxay ayaa sheegayay in rasaasta ay weeydaarsadeen labada Ciidan ee Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad & kuwa xoogga dalka.
Mas’uuliyiinta Sar sare Maamulka Hir-Shabeelle & laamaha amniga Magaalada Jowhar weli kama hadlin falkaan, hayeeshee dadka ku nool Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi dareemeen intii ay dhaceysay rasaasta.
Sanad kasta markii la gaaro bilaha 26-ka June & 1-da luulyo ayaa waxaa habeenkii markii la saaro Calanka la ridaa rasaas dabaaldeg ah, waxaana rasaastaas ka dhasha qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com