Muwaadin Soomaali ah oo Toorey dad ku dilay dalka Jarmalka

 

Nin toorey dheer ku hubeysan ayaa sedex qof ku diley halka 5 kalena uu ku dhaawacay oo qaarkood dhaawacoodu daran yahay magaalada dhinaca koofureed ku taala dalka Jarmalka ee Wurzburg jimcihii ka hor intii aysan boolisku toogan isla markaana xirin.
Ninkan ayey boolisku ku sheegeen 24 jir Somali ah oo ku noolaa magaaladaas, dhaawiciisa ayaan aheyn mid daran sida ay boolisku sheegeen.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Joachim Hermann ayaa sheegey in dadka dhaawacmey uu ka mid yahay wiil yar kaasoo aabihii ay u badan tahay inuu ka mid yahay dadka dhintey
Ninka falkan geystey ayey boolisku sheegeen inuu daawo dhinaca dhimirka ah qaadanaayey ka hor intii uusan weerarkan geysan, isla markaana ay boolisku la socdeen, ma jiro wax badan oo laga ogyahay sababta ii ninkani weerarkan u geystey.
Muuqaal bogaga inyternetka la soo galiyey ayaa muujinaayey dadweyne isku dayaaya in ay ninkan joojiyaan weerarkiisa iyagoo ulo iyo kuraasidii ay ku fadhiyeen u adeegsanaya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com