Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo Dhiggiisa Dalka Itoobiya kula kulmay Magaalada Adis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Mr Demeke Mekonnen.

Labada Mas’uul aya  waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo labada dal iyo iskaashiga u dhexeeyaSoomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la taabagelinaayo isfahamka iyo habmaamuusyadii hore loogu heshiiyey.

Wasiirada waxa ay sidooo kale isla fallanqeeyeen arrimo dan guud oo ay ka mid yihiin arrimaha ka taaggan gobolka iyo dunida inteeda kale.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa Taageero ka heysatay Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyadoo Xiriirka labada dhinac uu aad u wanaagsan yahay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com