Wasiirka Kalluumeysiga Oo Saciid Deni Ugu Baaqay Inuu Muqdisho yimaado

Muqdisho : Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan oo ka hadlaayay Shirka wadatashiga Puntland ee  ka socda Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka iyo dowla Goboleedyada dalka ka jira.

Wasiir Cabdullahi Bidhaan ayaa marka hore sheegay in loo baahan yahay in xal laga gaaro Khilaafka siyaasadeed ee haatan ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada

Wasiirka Kalluumeysiga dowladda ayaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ka codsaday inuu markale golol u fidhiyo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, isagoona ugu baaqay Madaxweyne Deni inuu u soo gaaco Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay War-murtiyeedka laga soo saari doono Shirka Wadatashiga Puntland oo ay ka qeyb galayaan Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano  ka socda dowladda, kuwaasi oo kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com