Wasiiru Dawlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Sportiga oo Qalab Sporti ka Gudoomay Saraakiisha Midowga Yurub ee Soomaaliya :Sawiro

Wasiiru dowlaha Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Alsayid Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa qalab isboorti kala wareegay xafiiska Taliska Midowga Yurub ee Soomaaliya .

Wasiiru dowlaha ayaa hoosta ka xariiqay in qalabka isboorti loogu talagalay naadiyayaasha heerarka kala duwan ee dalkeena .

“Waxaan maanta qalab isboorti ka gudoomay Taliska ciidamada isbanishka ee qeybta ka ah Midowga Yurub, qalabkan ayaa waxaa loogu talagalay naadiyayaasha heerarka kala duwan ee dalka, waxaana qalabkaasi ku wareejiyey xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, waxaan u mahadcelinayaa Valencia Community oo qalabkaan ugu deeqay Naadiyayaasha heerarka kala duwan ee dalka”. ayuu yiri Wasiiru dowlaha Isboortiga Dalka.

Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso sidii loo horumarin lahaa  Cayaaraha kala duwan ee Dalkeena.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com