Xiisado Colaadeed oo ka Taagan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xiisado Colaad weli ay ka Taagan tahay degmadaasi

Shacabka degmada Balad Xaawo ayaa cabsi xooggan ka muujinaya dagaal markale halkaasi ku dhex mara Ciidamada Maamulka Jubland oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya

Wasiirka Amniga Jubland Cabdirashiid Janan ayaa dhawaan ku hanjabay in ay weerarayaan degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo uguna baaqay Dadka shacabka in ay ka baxan degmadasi Hantidoodana kala baxaan

Dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Balad Xaawo ee vgobolka Gedo ayaa sababay khasare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dadkii Halkaasi ku dagaalamay iyo Dad kale oo shacab ahaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com