Yuusuf Dabageed oo Amray in la xiro Dad soo Abaabulay kulan looga soo Horjeedo Cali Guudlaawe

Ciidamada Amniga Magaalada Balad Weyne ayaa Xabsi dhigay ilaa 3 ruux oo mid Haweeney ay tahay

3 Ruux ee xabsiga la dhigay ayaa xalay laga soo qabtay Magaalada Baladweyne kuwaas oo lagu Eedeeyay in ay soo qaban qaabiyeen Xaflad looga soo horjeeday Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen

3 Ruux ee xabsiga la dhigay aya lagu soo xiray Amarka Madaxweyne ku xigeenka Hir shabeele Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Qabiilada Dega  Magaalada Baladweyne ayaa intooda badan ka soo horjeeda Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen Waxaana Dadkaasi ay diideen in Xaflada Caleemo sarka Madaxweyne Cali Guudlaawe lagu qabto Magaalada Balad Weyne

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com