xaaladda caafimaad ee Kim Jong Un oo laga deeyrinayo

Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil dowladeed ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku ku sugan yahay “xaalad halis ah” kadib markii qalliin looga sameeyey wadnaha.

Taleefishinka CNN ayaa sarkaal sare oo Mareykan ah oo arrintan xog-ogaal u ah kasoo xigtay in Washington “ay isha ku hayso xog sirdoon” oo sheegeysa in xaaladda Kim ay liidato.

Warbaahinta Bloomberg ayaa iyana kasoo xigatay sarkaal aan la magacaabin in xaaladda Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey.

Kim ayaa la sheegay inuu seegay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April, taasi oo dhalisay xan ku saabsan xaaladdiisa caafimaad. Waxaa kulan dowladeed lagu arkay afar maalin ka hor xilligaas.

Sarkaal kale oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay jiraan walaacyo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Kim balse ay adag tahay in la qiimeeyo heerka ay le’eg tahay.

Wargeyska Online ah oo lagu magacaabo Daily NK, oo fadhigiisu yahay Korea-da Koonfureed, ayna leeyihiin mucaaradka Pyongyang, ayaa weriyey in Kim lagu sameeyey qallin wadnaha 12-kii April.

Si kastaba, saraakiisha China iyo Korea-da Koonfureed ayaa shaki geliyey warbixinada sheegaya in Kim uu xanuunsan yahay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com