Xasan sheekh oo ka digay in uu Fashilmo Heshiiskii laga gaaray doorashada

Madaxweynihii hore ee Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay u diyaar garoobeen doorashooyinka dadban ee dalka lagu qabanayo, taas oo ay ku heshiiyeen Dawlada Federaalka , Dawlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin baqdin ay ka qabaan ka qeyb-galka doorashaooyinka, isaga oo ka jawaabayay Warar soo baxayay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay  in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada una diyaarsaneyn.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Sheekh in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.

Warkaan ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aaday iyadoo mucaaradka Dawlada Soomaaliya shaki ay ka qabaan dib u dhac ku yimaada doorashada

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com